7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Taliyihii hore ee nabadsugida Soomaaliya oo ku guuleystay doorashada kursiga HOP058

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Taliyihii hore ee hay'adda nabadsugida iyo sirdoonka Soomaaliya Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa maanta ku guuleystay doorashada kursiga HOP058, kaas oo ay ku tartamayeen ilaa todobo musharrax oo uu kamid ahaa madaxweynihii hore ee Hirshabelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Sanbaloolshe ayaa wareeggii koowaad helay 54 cod, taas oo meesha ka saartay in la aado wareeg labaad, maadaama uu kusoo baxay cod hal dheeri ah.

Natiijada doorashada kursigan ayaa aheyd sidan: Abdullahi Maxamed Cali Sanbaloolshe, ayaa helay 54, waxaa kusoo xigay Cali Cabdullahi Osoble oo helay 28 cod, Cabdulkhadir Xuseen Olow ayaa helay 8 cod, Abdullahi Axmed Xuseen ayaa helay 5 cod, Maxamed Afdhuub Makaraan ayaa helay labo cod, Ubax Cali Sheegow waxba ma helin, halka Yoonis Maxamed Nuur uu helay  2 cod.

Guddiga doorashada Hirshabelle ayaa caddeeyay in hal cod uu halaabay. Doorashada kursigan ayaa baaqatay maalmihii Sabtida iyo Axada maadaama uu buuq ka taagnaa.

Kursigan ayaa noqday kii labaad ee deegaan doorashadiisu tahay Beledweyne oo ay isku diiwaan galiyaan musharraxiin badan, waxaana horay Beledweyne loogu qabtay doorashada kursiga HOP 063, kaas oo ay ku tartameen ilaa 9 musharrax.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]