7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Bankiga adduunka oo welwel ka muujiyay dib u dhaca doorashada Soomaaliya inuu meesha ka saaro dayn cafinta Soomaaliya
 

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Agaasimaha bankiga adduunka ee Soomaaliya, Kristina Svensson, ayaa muujisay welwelka laga qabo in dib-u-habaynta dhaqaalaha ee la bilaabay tan iyo 2015 laga yaabo in ay meesha ka baxdo haddii aan dowlad cusub si dhaqso ah loo hirgelin.

Kristina Svensson oo la kulantay safiirka Maraykanka ee soomaaliya Larry Andare, ayaa la wadaagtay walaaca laga qabo in dib u dhaca qorshaha dib u habeynta dhaqaalaha uu keeni karo in taageerada maaliyadeed ee caalamiga ah iyo deyn cafintu istaagaan.

Hay’adda lacagta adduunka ee IMF, ayaa dhowaan sheegtay, in Barnaamijyada Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF) ee Soomaaliya ay ku joogsan karaan saddex bilood gudahood haddii ay dhacdo dib u dhac cusub oo ku yimaada doorashada Soomaaliya.

Doorashada Soomaaliya oo ay hadda gabagabo marayso dhameystirka xildhibaannada aqalka hoose, weli lama oga goorta la qabanayo doorashada madaxweynaha.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa bil walba lacag dhan $10 milyan ku bixisa kharashaadkeeda mudnaanta u leh, sida mushaaraadka ciiddanka dowladda iyo shaqaalaha rayidka ah.

Dhamaan dhaqaalahan waa taageere ay dowladdu ka hesho dibadda.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online