7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Maxaa kala socota burburka xoogan ee Isbitaalka Baledweyne kasoo gaaray qaraxyadii dhawaan ka dhacay magaalada Baledweyne?


Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne waxa uu ka mid yahay goobaha ugu daran ee uu soo gaaray burbur aad u xooggan oo ka dhashay qaraxii cuslaa ee khasaraaha badan geystay ee 23-kii bishan ka dhacay magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaraxa oo ka dhacay wajiga hore ee Isbitaalka weyn ee magaalada Baledweyne ayaa sababay iney dumaan qeybo badan oo muhiim u ahaa howlaha guud ee Isbitaalka.

Qeybaha ku burburay qaraxa ka dhacay albaabka laga galo Isbitaalka guud ee Baledweyne waxaa ka mid ah gargaarka deg dega ah, Bukaan-jiifka, oo la qeybood ah, qeybta keydka dawada oo 2 qeybood ah qeybta sheybaarka, qeybta baaritaannada iyo keydka dhiigga oo 2 qeyboodah qeybta hooyadda iyo dhallaanka oo 3 qeybood, qeybta bukaannada qalalka qaba, qeybta Raajitada, qeybta Caruurta Nafaqadaradda oo 2 qeybood ah, qeybaha bukaan socodka oo 3 qeybood ah, qeybta dawa bixinta  ama Farmashiga iyo darbiigi isbitaalka qeybta wadada laamiga saaran oo dumay.

Waxii ka dambeeyay 23-kii bishaan oo aheyd markuu dhacay qaraxaan sidaas u burburiyay qeybahii kala duwanaa ee Isbitaalka, waxaa hakad galay dhamaan adeegsayadii caafimaad ee kala duwanaa ee uu bixin jiray Isbitaalka guud ee Baledweyne.

Isuduwaha Wasaaradda Caafimaadka maamulka Hirshabeelle Axmed Maxamed Khaliif ayaa warbaahinta u sheegay in dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay Isbitaalka ay noqdeen kuwa kuwada burburay jugta qaraxii xoogaana ee ka dhacay wajiga hore ee Isbitaalka guud ee magaalada Baledweyne, isagoona ka codsay dowladda Soomaaliya, maamulka Hirshabeelle iyo cid kasta oo gacan ka geysan karta dib usoo kabashada Isbitaalka iney ka qeyb qaataan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii uu qaban jiray Isbitaalka weyn ee Baledweyne.

Duqa magaalada Baledweyne Nadar Tabaax Maalin ayaa noqotay masuulkii ugu horeeyay ee booqatay burburka lixaadka leh ee soo gaaray dhismaha Isbitaalka Baledweyne ayaa ugu baaqday madaxda dowladda Fedaraalka iyo kuwa Hirshabeelle iney ka qeyb qaataan sidii dib loogu soo celin lahaa adeegyadii uu bixin jiray Isbitaalka guud ee Magaalada Baledweyne.

Isbitaalka weyn ee magaalada Baledweyne ayaa ahaa Isbitaal bixin jiray adeegyo Caafimaad oo bilaash ah oo ay si maalinle ah uga faa'ideysan jireen bukaano kala duwan oo ka imaan jiray guud ahaan degmooyinka gobolada Hiiraan, Galgaduud, Baay iyo Bakool iyo deegaano ka tirsan dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Labadii qarax ee 23-kii bishaan ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 48 ruux waxaana ku dhaawacmay 108 ruux sida uu warbaahinta u sheegay madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, waxaana khasaaraha dhimashada marka laga soo tago ku burburay qaraxyadaasi Isbitaalka weyn ee Baledweyne dhismayaal ganacsi iyo guryo caadi ah, waana qaraxyadii ugu khasaaraha badnaa 10-kii sano ee ugu dambeeyay

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online