7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Booliska oo howlgallo ka wada dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) -Saraakiisha amniga maamulka gobolka Banaadir ayaa xalay hoggaamineysay howlgallo amni xaqiijin ah oo laga sameynayay degmadda howlwadaag iyo degmooyin kale oo ka tirsan gobolka.

Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka waxaa kamid ahaa taliye ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadde Gaashaanle Isxaaq Maxamed Ciise, taliyaha nabad-sugida degmadda howlwadaag iyo taliyaha saldhiga howlwadaag.

Ciidanka booliska ayaa howlgalka kusoo qabtay dhallinyaro, iyagoona mid mid u baarayay guryaha.

Taliye ku-xigeenka qeybta Waliyow Cadde Gaashaanle Isxaaq Maxamed Ciise, ayaa howlgalka kaddib saxaafadda u sheegay in howgalladaasi kuwo lamid ah ay ka socdaan dhammaan degmooyinka gobolka Banaadir, maadaama bisha Ramadan ay soo dhowdahay.

“Howgalkan waxaa uu daba socdaa xaqiijinta amniga caasimada maadaama bisha Ramadan ay soo dhowdahay, isla markaana madaxda dalka, gaar ahaan Ra’iisul Wasaaraha iyo madaxweynaha ay amar ku bixiyeen dardar-gelinta sugida amniga dalka”, ayuu yiri taliyaha.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo maalin ka hor kulan la qaatay guddoonka gobolka Banaadir iyo taliyayaasha ciidamada, ayaa sheegay in la kordhiyo howlgallada iyo feejignaanta, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho, loona diyaar garoobayo bishii barakaysan ee Ramadaan.

Lix qof ayaa ku dhinatay weerar ay Al-Shabaab 23-kii bishan ku qaadeen garoonka diyaaraha ee magaalada Muqdisho. Dhinaca kale 48 qof ayaa ku dhimatay, 108 kalana wey ku dhaawacmeen labo weerar oo kale oo isla maalintaasi habeenkeeda ka dhacay magaalada Beledweyne.

Ra’iisul Wasaaraha oo shalay la kulmay madaxda hay'addaha amniga dalka iyo kuwa howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, ayaa magacaabay guddi isku dhaf ah oo isugu jira wasiirro iyo saraakiil amni oo dowladda iyo AMISOM ka wada tirsan, kuwaasoo looga fadhiyo in ay si deg-deg ah uga soo tala bixiyaan weerarradii dhawaan ka dhacay magaallooyinka Baledweyne iyo Muqdisho.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]