7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo la kulmay Ra’iisul Wasaaraha dowladda Qatar

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed, ayaa magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan kula yeeshay Ra’iisul Wasaaraha ahna wasiirka arrimaha gudaha ee dalka Qatar Sheekh Khalid Bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani.

Labada masuul ayaa ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga labada dal. Mahdi Guuleed, ayaa hoosta ka xarriiqay in kulammada noocan ahi ay dardar-galin u yihiin mashaariicda horumarineed ee labada dal ay iska kaashanayaan.

Intii uu socda kulanka, Ra’iisal Wasaaraha ahna wasiirka arrimaha gudaha ee Qatar Sheekh Khalid bin Khalifa bin Abdul Aziz al-Thani, ayaa xusay in dalkiisa ay ka go’antahay sii xoojinta xiriirka labada dal iyo labada shacab, iyadoo mudnaanta la siinayo qorsheyaasha labada dal hortabinta u leh.

Bishii Octoobar ee sannadkii 2021 dowladda Qatar ayaa dib-u-cusbooneysiisay taageerada Soomaaliya ay ka siiso dhinacyada mashaariicda horumarineed ee caafimaadka iyo waxbarashada, u abuurista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, sare u qaadida awooddooda amni, iyo taageero siyaasadeed oo lagu xaqiijinayo qaranimada, madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]