7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Ciidamo hubeysan oo xirtay hoolka doorashada Baledweyne, xili goordhaw ka bilaaban laheyd doorashada kursiga HOP 058

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Wararka ka imaanaya magaalada Baledweyne ayaa sheegaya in ciidamo hubeysan ay Saakay xirteen afaafka hore ee hoolka lagu qabto doorashada Golaha shacabka ee ku dhexyaala gudaha derada Lamagalaay.

Ciidamadaan ayaa lasoo warinayaa iney ka gadoodsan yihiin habka madaxda Hirshabeelle ay u maamulayaan kursiga tirsigiisu yahay HOP 059 oo lagu wado in doorashadiisa ay qabsoonto maalmaha soo socda.

Kursigaan HOP 059, ayaa wararka soo baxaya waxay sheegayaan in madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed uu doonayo in loo xiro Xildhibaanad Samiira oo ku fadhisay kursiga dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, taasoo ay ka biyo diidsan yihiin Musharaxiin kale oo beesha kursiga iska leh in kursiga loo xiro qoondo dumar.

Hoolka doorashada ayaa Saaka waxaa lagu waday iney ka dhacdo doorashada kursiga HOP 058, kaasoo ay isku diiwaan geliyeen ilaa 7 Musharax oo midi dumar tahay, waxaana kursigaan uu ahaa mid doorashadiisa ay baaqaneysay labadii maalmood ee lasoo dhaafay ee Sabti iyo Axad Maantana qorshuhu ahaa in la qabto doorashada kursiga HOP 058 oo tartankiisu yahay mid adag.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ciidamo aad u hubeysan ay xirtaan afaafka hore ee hoolka lagu qabto doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11,aad ee dalka, kuwaas oo ka gadoodsan hab maamulka doorashada kuraasta qaar.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online