7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 28, 2022
Alshabaab oo shaacisay magaca ninkii isku qarxiyay xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi

Isniin, Maarso, 28, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa sii daayay magaca iyo deegaanka uu kasoo jeedo ninkii isku miidaamiyay AUN xildhibaan Aamino Macamed Cabdi oo katirsanayd barlamaanka Soomaaliya.

Ninkaan oo lagu magacaabo Maxamuud Cabdulqaadir ( Abuu sheyba) ayaa baraha internetka Alshabaab lasoo galiyay cod horey loogasii duubay oo lagu sheegay dardaaran, waxaana Alshabaab ay sheegeen inuu ahaa fuliyihii weerarkii koowaad ee ka dhacay xerada lama- galaay ee Baladweyne.

Maxamuud Cabdulqaadir ayaa Alshabaab ku biiray sannadkii 2016, wuxuuna kasoo jeedaa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo. Wuxuu kamid ahaa Shabaabkii ka dagaalami jiray gobolka Mudug.

Alshababab waxay sheegeen inuu kasoo qeyb qaatay dagaallo badan oo ka dhacay Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxayna tilmaameen inuu markii dambe go'aanaaday inuu ku biiro waxay ugu yeeren garabka istishhaadiga ama isqarxinta.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online