5/1/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 27, 2022
Puntland oo ka warbixisay khasaaraha dagaalka ka dhacay Af-urur
 

Axad, Maarso, 27, 2022 (HOL) - Puntland ayaa sheegtay inay 12 ka mid ah dagaalamayaasha kooxda Al-shabab ay ku dileen weerar ay saaka waaberigii ku soo qaadeen deegaanka Af-urur oo ka tirsan Gobolka Bari.

Saraakiil katirsan ciidamada Puntland ayaa warbaahinta u sheegay in khasaaraha dhinacooda uu gaarayo dhimashada shan askari iyo dhaawaca ku dhawaad 10 askari oo ciiddanka Daraawiishta ah.

Dhinaca kale, kooxda Alshabab ayaa sheegtay inay 25 askari iyo saraakiil ciiddan ay ku dileen weerarka ay kusoo qaadeen deegaanka Af-urur.  Waxay baraha bulshada soo dhigeen sawiradda iyo magacyada qaar kamid ah askarta iyo saraakiisha ay dileen.

Alshabaab waxay sheegtay inay cagta mariyeen saldhigga Af-urur, islamarkaana ay la wareegeen gaadiid dagaal, balse ma jiraan warar madax bannaan oo arrintaas xaqiijiyay. Inkastoo mid kamid ah madaafiicda ay kusoo tuureen saldhigga Af-urur uu haleelay mid kamid ah gaadiidka dagaalka.

Waa markii labaad oo Alshabaab ay weerar toos ah  kusoo qaadaan deegaanka Af-urur oo 70km u jira magaalada Bosaso. Alshabaab ayaa sanadkii hore weerar xooggan ku qaaday xabsiga Bosaso, halkaas oo ay kula baxday maxaabiis uga xirnaa.

Hiiraan Online News Disk