7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2022
Madaxweyne Farmaajo oo taliyayaasha ciidamada wax ka weydiiyay weeraradii Muqdisho iyo Baladweyne

Sabti, Maarso, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha  Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa kulan la qaatay Guddoonka Gobolka Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka, Booliska, Asluubta iyo Nabad Sugidda ayaa faray adkeynta amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda.

Madaxweyne Farmaajo  ayaa ka dhageystay Talisyada Booliska iyo Nabad-sugidda Soomaaliyeed warbixinno ku saabsan baaritaannada hordhaca ah ee weeraradii toddobaadkii hore ka dhacay magaalooyinka Muqdisho iyo Baladweyne

Farmaajo ayaa u sheegay taliyayaasha muhiimadda ay leedahay in Ciidamadu ay kordhiyaan howl-galladooda iyo feejignaantooda, maadaama dalku uu ku jiro xilli doorasho, loona diyaar garoobayo Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan.

“Waxaan dagaal kula jirnaa cadow arxan laawe ah oo khatar ku ah amnigeenna iyo jiritaankeenna. Argagixisada Al Shabaab ee aan la dirireyno waxa ay ka shaqeynayaan gumaadka iyo xasuuqa Shacabka Soomaaliyeed, meel kasta oo ay ka heli karaan fursaddaas, sidaas awgeed waa in aan markasta heegan buuxa ku jirnaa, si dhowna ula shaqaysaan Shacabkeenna idinla garab taagan hiilka iyo xogta dhagar-qabeyaasha”, ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa faray tliyeyaasha Ciidammada Qalabka Sida, in loo dhimriyo Shacabka Soomaaliyeed xilliyada ay ciidammadu samaynayaan hawlgallada lagu sugayo amniga, sidoo kalena, la xoojiyo wadashaqeynta iyo is-dhexgalka Hay'adaha Ammaanka iyo Bulshada, si kor loogu qaado wadashaqaynta iyo kalsoonida shacabku ay ku qabo ciidammadooda geesiyaasha ah.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online