7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2022
Madaxweyne Biixi: Waxaanu la soo noqonay warsan iyo weedhsan

Sabti, Maarso, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, oo dadwaynaha kula hadlay garoonka diyaaraha Hargaysa, kadib safarkiisii Maraykanka, ayaa sheegay in Somaliland iyo Maraykanku ay amqaadayaan xidhiidh wada shaqayneed.

Madaxweynaha ayaa bulshada Somaliland ugu bushaareeyay in uu war wanaagsan u sido, isagoo sheegay in safarkiisu uu ahaa mid guul taariikhi ah u horseedi doona Somaliland, isla markaana dhabar jab ku ah cadowga Somaliland.

"Waxaanu la soo noqonay warsan iyo weedhsan, inta Somaliland jecel iyo inta xaqa u hiilisa safarkani wuxuu ahaa mid guul ah oo taariikhda gali doona, cadowga Somaliland-na mid dhabarka ka jabiyay, oo ka nixiyay...waxan idiinku bishaaraynayaa shalay hadii quwadaha caalamku indhaha inaga lalinayeen in dowladii aduunka ugu waynayd in dhaheedu inagu soo jeedan oo ay ina day dayayso" ayuu yidhi Madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaaa sheegay in dowlada Maraykanku u balan qaaday in ay Somaliland kala shaqayn doonto, dhinacyada siyaasada, amniga, waxbarashada iyo  ganacsiga, isagoo rajo wayn ka muujiyay.

"Dowlawdii Maraykanku waxay nagu tidhi waxaanu diyaar u nahay, in aanu wax walba oo laba dowladood qabsadaanba idinla qabsano, anaga oo karaamo iyo qadarin idiin hayna, hadii ay siyaasada guud tahay, haday nabad tahay, haday amniga badda iyo barigaba tahay, haday bayac-mushtar tahay, haday tahay waxbarasho" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha ayaa rajo wayn ka muujiyay in la fuliyo is fahamka ay la yeedheen Maraykanka "Dowlada Maraykanku waxay nagu tidhi diyaar ayaanu u nahay in inaga oo laba dowladood oo is qadarinaya ah qalin iyo warqad qaadano oo bolowno, maanta se waxaanu idinku yeedhnay in aanu al baabka idiin furno oo aynu is kaashano".

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay caalamka oo dhan la xidhiidhayso, Soomaaliyana ay xidhiidhada u jari doonto "Inagu caalamka dowlad walba waynu u tagaynaa, iyaguna mid walba xidhiidhka ha u jaraan, maanta Maraykan  ha u jaraan haday ku dhacayaan".

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online