7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2022
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya oo sheegay in xaaladda amni ee dalka ay sii xumaaneyso

Sabti, Maarso, 26, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed, oo shir jaraa’iid maanta ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladda guud ee amniga dalka, gaar ahaan weerarradii ka dhacay magaallooyinka Muqdisho iyo Baladweyne.

Shariif ayaa xusay in weerarradaasi ay muujinayaan sida uu u sii xumaanayo amniga dalka xili doorashooyinka la filaayo in ay qabsoomaan, hay’addaha amniga iyo cidii laheyd masuuliyadaasi ayuu ugu baaqay in ay sameeyaan baaritaan dhab ah, si masuuliyada ay u qaataan dadkii lahaa ama ku lugta lahaa.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa xildhibaan marxuum Aamina Maxamed, oo kamid aheyd dadkii ku geeriyooday qaraxii ka dhacay xerada Lamagalaay ee magaalada Beledweyne, ku tilmaamay in ay aheyd qof firfircoon oo ka muuqatay siyaasadda dalka, wax aad u xun ayuu ku tilmaamay in marxuumada la beegsado xili ay u diyaar-garoobeysay tartanka doorashada.

Doorashooyinka muddo dhaafka ee Soomaaliya ayaa ah kuwo soo jiitamayay muddo dheer, Shiikh Shariif ayaa hoosta ka xariiqay mar kasta oo doorashooyinka ay dheeraadaan in ay abuurmayaan qalqal amni, mid dhaqale iyo kuwo siyaasi ah.

48 qof oo ay ku jiraan xildhibaan Aamina Maxamed iyo xildhibaan hore Xasan Dhuxul ayaa geeriyooday, halka 108 kale ay ku dhaawacmeen labo qarax oo ka dhacday magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ugu dambeyn madaxda dowlad-gobolleedyada iyo Ra’iisul Wasaaraha ayuu ugu baaqay in ay ilaaliyaan jadwalkii ay ku heshiiyeen in lagu soo gabo-gabeeynayo doorashooyinka, taas oo xal siyaasi, mid bulsho iyo mid amni u ah dalka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]