7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2022
Duulimaadyadii garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne oo Maanta hakad ku jira
 

Sabti, Maarso, 26, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta hakad ku jira dhamaan duulimaadyadii diyaaradaha imaan jiray kana duuli jiray garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, kadib roobab xoogaan oo xalay si weyn uga da'ay magaalada Baledweyne iyo nawaaxigeeda.

Roobabka xalay ka da'ay gudaha magaalada Baledweyne iyo deegaanada ku teedsan ayaa sababay in hakad galaan howlahii duulimaadyada garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Baledweyne, waxaana saakay safaro ka baaqday boqolaal dad ah oo isku diyaariyay iney u kala safraan magaalooyinka Muqdisho iyo Baledweyne, kadib markii loo sheegay in garoonka aysan diyaarad ka dagi karin garoonka Baledweyne oo ay biyo fariisteen.

Sanad walba marka la gaaro xiliyada roobabka waxaa hubaal noqota in shaqada garoonka Baledweyne uu hakad ku yimaado, iyadoo garoonka diyaaradaha Baledweyne uu ka mid yayay garoomada ugu duulimaadyada badan gudaha Soomaaliya, ma helin cid dayaca haysta garoonka ka saarta hadii ay noqon lahayeen maamul heer dowlad goboleed iyo heer Fedaraal intaba.

Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan iyo deegaanada ku xeeran waxaa xalay si weyn uga curta roobabka guga ah oo saacado badan ka da'ay, waxaana lasoo warinaya in deegaanada miyiga gobolka Hiiraan ay xalay si weyn ugu hoortay raxmada alle, xili mudooyinkii dambe abaaro baahsan ay ka jireen deegaanada xalay roobabka sida wanaagsan uga da'een ee gobolka Hiiraan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online