7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2022
Afhayeenka Booliska oo sheegay in maan-dooriyaha uu kaalin ku leeyahay amni-darrada dalka
 

Sabti, Maarso, 26, 2022 (HOL) - Afhayeenka ciidanka booliiska Soomaaliya Gaashaanle Cabdifitaax Aadan Xasan, ayaa sheegay in maan-dooriyaha uu kaalin ku leeyahay amni-darrada, sidaasi awgeedna ay dagaal kula jiraan dadka isticmaala maan-dooriyaasha iyo kuwa iibiya.

Isaga oo la hadlayay BBC-da, ayuu sheegay in dhibaatooyinka maan-dooriyaha aysan aheyn wax ku kooban Soomaaliya, balse dowladdo kale oo waaweeyn ay wax ka qaban la’yihiin.

Gaashaanlaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidan iyo shacaba ay diyaar u yihiin wax ka qabashada dhibaatooyinka maan-dooriyaha, isla markaana ay socdaan wacyi-gelin diirrada lagu saarayo dhibaatooyinka uu leeyahay maan-dooriyaha.

Taliska booliska ayaa 22-kii bishan howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah ka sameeyay baraha kontorool ee ku yaalla isgoysyada Carwa cidko, Baar-ubax, Bakaaro, Balaaksii iyo isgoyska Shaqaallaha ee magaalada Muqdisho.

Xaafaddaha magaalada Muqdisho waxaa kusoo batay dhac baahsan oo ay geysanayaan burcada hubeysan, kuwaas oo telefoonada iyo wixii lamidka ah ka qaata dadka, balse taliyaha saldhigga booliska degmada Howlwadaag Najiib Cabdi oo qeyb ka ahaa howlgalkaasi, ayaa ugu baaqay shacabka in ay adkeystaan isla markaana ciidanka booliska aysan joojin doonin howlgallada amni xaqiijinta, gaar ahaan kuwa lagula dagaallamayo kooxahaasi caadeystay dhaca maalka shacabka iyo kuwa isticmaala maan-dooriyaha.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]