7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2022
Dr Bursaliid: Bisha Ramadaan dib nooga dhiga doorashada si aan u barino Allah
 

Sabti, Maarso, 26, 2022 (HOL) - Dr Ibraahim Faarax Bursaliid oo ka qeyb-galayay kulan ku saabsanaa gurmadka abaaraha oo lagu qabtay magaalada Muqdisho, ayaa soo jeediyay in bisha Ramadan dib loo dhigo doorashada si maalin iyo habeenba aan u barino Allah, maadaama dalka uu u baahanyahay in aan ceshano.

Dr Ibraahim oo arrimaha siyaasadda ka faalooda ayaa ugu baaqay bulsha weynta Soomaaliyeed in loo wada noqdo Allah, la isku tashado, la xiriiriyo qaraabada, la bixiyo sadaqada, maanta oo kalana la is qaato.

“Si gaar ah ayaan rabaa in aan ula hadlo dhallinyarda, dalka shaqaa ka socota kuna socota, mana ahan wax ay Soomaali wadato. Doorashada iyo waxaan aan leenahay wax kale oo ka daran ayaa socda. Waxaa socda ilhaad, qoomuluud, haweenka ayaa la rabaa in bannaanka nagla soo dhigo, buuggaag ayaa la turjumayaa oo waxaa la rabaa falsafad in Quraanka iyo xadiiskii lagu beddelo. Quraanka hala akhriyo.

“Doorashada dib noogu dhiga si bisha Ramdaan aan Ilaahey u aadno oo habeen iyo maalinba u barino, maxaa yeelay dalka ayaa u baahan in aan ceshano, waanagula heystaa dalka aan ceshano”, ayuu kusoo gabo-gabeeyay hadalkiisa.

Doorashooyinka muddo dhaafka ah ee dalka ayaa maraya marxalad gabo-gabo ah, waxaana ilaa iyo hadda la doortay 90% oo u dhiganta 248 Xildhibaan, maamullada Jubbaland iyo Hirshabeelle waxaa ku dhiman xildhibaanno gaaraya 26.

Dhinaca abaaraha saddex xili roobaad oo xiriir ah ayaa la waayay roobka taas oo xaalufisay dalagyadii, iyada oo xoolahuna ay waayeen baad iyo biyo. Hababkii dadku ay taas ula qabsan lahaayeen ayaa meesha ka baxday, waxaana kumanaan kun ay ku khasbanaadeen inay ka cararaan guryahoodii iyagoo raadinaya gargaar bini'aadantinimo oo ay ku jiraan cunto, hoy, iyo biyo nadiif ah oo la cabbo.

Keliya toddobaadkii ugu horreeyay ee bisha Maarso, in ka badan 17,000 oo qof oo ku nool gobollada koonfureed ee dalka ayaa ku barakacay abaarta, kuwaas oo ku biiray tobanaan kun oo qof oo sidan oo kale ugu barakacay guud ahaan dalka intii u dhexeysay bilihii January iyo February ee sannadkan.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]