7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2022
Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo ka tanaasulay u tartamida kursiga HOP 058 oo Maanta doorashadiisa ka dhaceyso Baledweyne

Sabti, Maarso, 26, 2022 (HOL) - Xildhibaan Nuur Iidoow Beyle oo ka mid ahaa mudanayaasha Baarlamaankii 10-aad ee dalka Soomaaliya, una joogay magaalada Baledweyne afartii bilood ee lasoo dhaafay siduu markale uga mid noqon lahaa Baarlamaanka 11-aad ee dalka ayaa shaaciyay inuu ka tanaasulay u tartamida kursiga HOP 058.

Tanaasulka uu Xildhibaan Nuur Iidoow ayaa kusoo beegneysa iyadoo Maanta qorshaha guddiga doorashada Hirshabeelle uu yahay iney diiwaan geliyaan Musharaxiinta dooneysa iney u tartamaan afar kursi oo uu ka mid yahay kursiga HOP 058, kaasoo ay u taagan yihiin u tartamidiisa musharaxiin gaaraya ilaa 10 musharax walow aanan la diiwaan gelinin.

"Anigoo ah xildhiban Noor Iidow Beyle waxaan go'aansaday in aan ka tanaasulo tartanka doorasho ee HOP58 ee 2022-2026 oo dhici doonta inshallah maalmaha soo socda. Sidoo kale waxaa sharaf ii aheyd in aan ku matalo uguna shaqeeyo guud ahaan somaliya gaar ahaan bulsha weynta ku nool gobolka hiiraan oo ahaa degaan doorashadeyda. Sidoo kale waxaan balan qaadayaa in aan la shaqeyn doono cid kasta oo ku soo baxda kursigaas" ayuu yiri Nuur Iidoow Beyle.

Go'aanka tanaasulka Nuur Iidoow ayaa sidoo kale imaanaya xili guddiga soo xulista kursiga si furan loo shaaciyay, inkastoo rajada Nuur Iidoow ay aheyd in loo xiro kursigaas taasoo markuu arkay iney meesha ka baxday sababtay inuu ka haro u tartamida kursiga oo ay u sharaxan yihiin musharaxiin saameyn kuleh kursiga.

Doorashada kursigaan ayay guddiga doorashada Hirshabeelle shaaciyeen xalay iney qabanayaan Maanta oo Sabti ah iyadoo jadwalkii horana ay ku shaaciyeen iney qabanayaan Maalinta Axada ah oo beri ku beegan, lama oga sababta keentay in doorashada kursigaan ay soo hormariyaan guddiga, iyadoo walina aanan la diiwaan gelinin mhsharaxiinta dooneysa u tartamida kursiga HOP 058.

Wararkii ugu dambeeyay ee haatan kusoo dhacaya warqabadka HOL ayaa sheegayaan in ciidamo hubeysan ay xirteen inta u dhaxeysa xarunta maamulka gobolka iyo hoolka doorashada Golaha shacabka, waxaana la sheegaya in ciidanka halkaasi xirtay ay kasoo horjeedeen guddiga soo xulista ee xalay la shaaciyay.

Lasoco wixii kuso kordha wararkan

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online