7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2022
Ciidamada Kenya oo lagu eedeeyay inay dad shacab ah ku laayeen tuulada Raaskambooni
 

Sabti, Maarso, 26, 2022 (HOL) - Hay'adda difaacayaasha xuquuqda Aadanaha Soomaaliya, ayaa ciidamada Kenya ee ku sugan Soomaaliya ku eedeysay in ay si ula kac ah dil ugu geysteen dad rayid ah oo ka tirsanaa shacabka reer guuraaga ah ee tuulada Raaskambooni.

Hay'addu waxay sheegtay inay ciidamada Kenya weerar ku qaadeen dhalinyaro ah ku sugnaa tuulada Raaskambooni, kadibna inta ay iskusoo aruriyeen ay isla markiiba si arxan darro ah u dileen ugu yaraan saddex kamid ah dadkaas.

"Isbaheysiga difaacayaasha xuquuqul insaanka Soomaaliyeed ee CSHRDS waxa ay cambaareyneysaa xasuuqan waxashnimada iyo naxariis darada ah ee ay ciidamada Kenya u gaysteen dadka rayidka ah ee aan dagaalka ku jirin. Waxaan ku baaqaynaa in baaritaan caalami ah lagu sameeyo dembigaas foosha xun iyo isla xisaabtan. Waxaan ugu baaqaynaa AMISOM inay si degdeg ah u qaaddo tallaabo ay kaga ilaalinayso rayidka weerarrada joogtada ah ee dhimashada leh ee ay geystaan KDF," ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay hay'adda.

Bulsho u badnaa haween iyo caruur ayaa dhigay mudaaharaad ay kagasoo horjeedaan weerarada ka dhanka ah dadka ku nool Raaskambooni, kuwaas oo ay geysteen ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka nabad ilaalinta AMISOM.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online