7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 26, 2022
Golaha ammaanka oo si u kulul u cambaareeyay weeraradii ka dhacay Muqdisho iyo Baladweyne

Sabti, Maarso, 26, 2022 (HOL) - Golaha Ammaanka ayaa si kulul u cambaareeyay weerarradii ka dhacay agagaarka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, iyo magaalada Beledweyne,  23-kii March 2022.

Weerarradaas oo ay mas’uuliyadooda sheegatay Al-shabaab, ayaa lagu dilay in ka badan 50 qof iyo dhaawac intaas ka badan.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in lala xisaabtamo dembiilayaasha, abaabulayaasha, maalgeliyayaasha weeraradaas, lana horkeeno sharciga.

Golaha ammaanka waxay ku booriyeen dhammaan Dowlad-goboleedyada, si waafaqsan waajibaadka ka saaran sharciga caalamiga ah iyo go’aannada Golaha Ammaanka, inay si firfircoon ula shaqeeyaan dawladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dhammaan hay’adaha kale ee ay khusayso arrintan.

Goluhu wuxuu sheegay  in argagixisanimada nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda ay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah. Waxa ay ku celceliyeen in dhammaan falalka argagixisanimada ay yihiin dambiyo aan qiil loo heli karin.

Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ayaa walaac ka muujiyey Khatarta Nabadda iyo Ammaanka ee Al-shabaab ee Soomaaliya iyo Gobolka.

Waxay ku booriyeen hoggaamiyeyaasha Soomaaliya inay ka wada shaqeeyaan arrimaha qaranka ee muhiimka ah, oo ay ku jiraan gunaanadka hannaanka doorashada ee socda, la dagaallanka argagixisada iyo wax ka qabashada dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ba'an ee ka dhacaya Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online