7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2022
Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf oo isku sharraxay xilka madaxweynaha Soomaaliya

Khamiis, Maarso, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynihii hore ee maamulka Galmudug, Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay inuuu yahay musharrax u taagan xillka madaxweynaha Soomaaliya ee doorashada soo socota.

Madaxweyne hore Xaaf oo aan muddo kasoo muuqan warbaahinta kadib markii uu waayay kursiga barlamaanka, ayaa sheegay inuu iskusoo sharraxay si uu dalkiisa wax ugu qabto, ugana saaro xaaladda uu haatan dalka ku sugan yahay amni ahaan.

Axmed Ducaale Geelle Xaaf wuxuu sheegay hadafkiisu inuu yahay inuu dalka ku dhaqo shareecadda islaamka islamarkaasna uu soo afjaridoono amni darrada iyo qaraxyada joogtada ah ee Soomaaliya ka socda.

"Hadduu ilaaheey xilkan ii garto waxaan ballanqaadayaa inaan dalka iyo diinta u shaqeeyo, inaan dalka ka saaro dhibaatada uu ku jiro, inaan ilaaheey talo saarto oo aan ka maarano ku tiirsanaha shisheeyaha," ayuu yiri madaxweyne hore  Xaaf.

Xaaf ayaa kamid aha dadka siyaasada kusoo jiray muddada dheer, wuxuu horey usoo noqday xubin katirsan barlamaanka Soomaaliya, wuxuu sidoo kale soo noqday madaxweynihii hore Galmudug.


Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online