7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2022
Madaxweynaha Hirshabeelle oo shaaciyay tirada rasmiga ah ee ku dhimatay qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Baledweyne
 

Khamiis, Maarso, 24, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen ayaa ka hadlay qaraxyadii khasaaraha badan geystay ee xalay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Madaxweyne Guudlaawe ayaa ugu horeyn uga tacsiyadeeyay ehelada dadkii ku geeriyooday labadii qarax ee xalay fiidkii hore ka dhacay gudaha Baledweyne.

Waxuu xaqiijiyay madaxweyne Guudlaawe in qaraxyadii xalay dhacay ay ku dhinteen dad gaaraya 48 ruux oo isugu jira qeybaha kala duwan ee bulshada magaalada Baledweyne, islamarkaana ay ku dhaawacmeen 108 ruux.

"Labada qarax ayaa kii hore waxuu ahaa mid qof waxyaabaha qarxa isku soo xirey uu dhexda u galay masuuliyiin ay ka mid aheyd xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi halka qaraxa labaadna lala beegsaday dadkii u gurmaday kuwii waxyeelada ka soo gaartay qaraxa hore wuxuuna ahaa gaari Ismiidaamin ah oo waxuu ka dhacay goob dadka qeybahiisa kala duwan ku sugnayeen iyo gaarigii lagu siday dhaawacyada dadkii qaraxa koowaad” ayuu yiri Madaxweyne Cali Guudlawe.

Waxuu sidoo kale sheegay madaxweynaha Hirshabeelle in qaraxyadaasi ay geysteen burburka dhismayaal ganacsi iyo guryo dumay, isagoo ku tilmaamay qaraxyadii kuwa musiibo ahaa.

Gabagabadii madaxweyne Cali Guudlaawe ayaa ugu baaqay laamaha amaanka gobolka Hiiraan iney adkeeyaan amaanka guud ee Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, si looga baaqsado dhibaatooyinka noocaan oo kale ah.

Bishii lasoo dhaafay ayay aheyd markii qarax Ismiidaamin ah oo qasaare badan geystay uu ka dhacay Maqaayada Xasan Dhiif oo ku taala agagaarka xarunta maamulka gobolka Hiiraan, waxaana qaraxaasi ku dhintay dad gaaray 20 ruux oo isugu jiray madax iyo shacab ku wada sugnaa maqaayada Xasan Dhiif ee magaalada Baledweyne.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online