7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2022
Guddiga Doorashada Hirshabeelle oo Maanta Baledweyne ku qabtay doorashada kursi ka mid ah Golaha Shacabka


Khamiis, Maarso, 24, 2022 (HOL) - Guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle ayaa Maanta magaalada Baledweyne ku qabtay doorashada hal kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo deegaan doorashadiisu tahay Baledweyne.

Kursiga doorashadiisu Maanta dhacday ayaa ah HOP 011, waxaana ku tartamay laba Musharax oo kala ahaa Cabdirisaaq Cumar Maxamed iyo Maxamed Cumar Barrow, waxaana kusoo baxay tartanka Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo helay 55 cod, halka musharaxii la tartamayay oo ahaa Maxamed Cumar Barrow uu helay 46 cod.

Doorashada kursigaan ayaa qorshuhu ahaa in la qabto xalay, hayeeshee qaraxyo ka dhacay gudaha Baledweyne ayaa sababay iney baaqato doorashada kursigaan oo ay Maanta qabteen guddiga Hirshabeelle, iyadoo magaalada wali ay ka jirto murugada iyo mashaqadii ka dhalatay qaraxyadii xalay ka dhacay gudaha magaalada Baledweyne.

Maamulada Hirshabeelle iyo Jubbaland ayaa ah labada maamul ee aanan wali dhameystiran doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka, xili waqtigii loogu talo galay in lagu soo gabagabeeyo oo aheyd 15-ka bishaan Maarso la soo dhaafay.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online