7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2022
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo la kulmay masuuliyiinta waaxaha maaliyadda iyo arrimaha dibaddda ee Mareykanka


Khamiis, Maarso, 24, 2022 (HOL) - Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay masuuliyiin ka tirsan waaxda maaliyadda Mareykanka, waaxda arrimaha dibaddda iyo hay’adda gargaarka Mareykanka ee USAID.

Kulamada oo kala duwanaa ayaa diirrada lagu saaray arrimaha dhaqaallaha Soomaaliya, barnaamijka deyn-cafinta iyo taageerada dhanka soo kabasha dhaqaallaha wadanka Soomaaliya.

Shirkii dhex maray wasiirka iyo masuuliyiinta waaxaha maaliyadda iyo arrimaha dibadda ee Mareykanka, ayaa si gaar ah looga hadlay muhiimada dhammaystirka doorashada dalka, si loo sii xoojiyo is-beddelka dib-u-habaynta nidaamka maaliyadeed ee socda iyo si loo gaaro dhammaystirka barnaamijka deyn-cafin Soomaaliya marka laga gaaro barta dhammaystirka.

Masuuliyiinta waaxaha maaliyadda iyo arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa ballanqaaday in dowladda Federaalka Soomaaliya ay kala shaqayn doonaan horumarka dhaqaallaha iyo sii wadid arrimaha dib-u-habeynta Maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, oo maalmahan booqasho shaqo u jooga magaalada Washington ayaa 23-kii ee bishan magaalada Washington kulan kula yeeshay agaasimaha guud ee maamulka hay'adda IMF Kristalina Georgieva iyo madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Afrika Hafez Ghanem, iyagoona ka wada-hadlay horumarinta barnaamijka dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya, hannnaanka deyn-cafinta Soomaaliya iyo halka uu marayo barnaamijka dhammaystirka deyn-cafinta.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]