7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2022
Sanbaloolshe "Qaraxa lagu dilay Xildhibaan Aamino waxuu ahaa mid Siyaasadeysan"
 

Khamiis, Maarso, 24, 2022 (HOL) - Taliyahii hore ee Hay'adda Nabadsugida Qaranka Soomaaliyeed Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe oo haatan ka mid ah Musharaxiinta ku sugan Baledweyne oo wareysi siiyay Idaacadda VOA-da ayaa sheegay in qaraxii lagu dilay Xildhibaan Aamino Maxamed uu ahaa mid Siyaasadeysan.

Sanbalooshe ayaa sidoo kale tilmaamay in qaraxyada xalay dhacay ay yihiin kuwa lagu qalqal galinaayo doorashada ka socota magaalada Baledweyne oo uu sheegay in dadka qaarkiis aysan jecleysan habka ay u socoto doorashada Golaha Shacabka.

"Qaraxa Aamino lala beegsaday waxa uu ahaa mid loogu talogalay in lagu khaarijiyo Aamino oo ahaa mid siyaasadeysan, waxa ay yihiin qaraxyada kuwo lagu abuurayo qalqal doorashooyinka ka socda Beledweyne dib u dhac uga yimaada ama dadka qaarkii sida ay jeclaayeen aysan wax u socon oo niyad jab uu hayo."ayuu yiri Cabdullaahi Sanbaloolshe.

Qaraxyada xalay ka dhacay Baledweyne waxaa ku dhintay dad kor u dhaafaya 20 ruux oo ay ka mid ahayeen Xildhibaan Aamimo Maxamed iyo Xildhibaan hore Xasan Dhuxul, waxaana ku dhaawacmay in ka badan 30 qof oo kale.

Cabdullaahi  Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa ah Musharax u taagan u tartamida kursiga HOP 058 oo isna ay u taagan yihiin u tartamidiisa Musharaxiin kor u dhaafeysa ilaa 10 Musharax.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online