7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 24, 2022
Qaramada Midoobay oo cambaareeysay weerarkii ka dhacay magaalada Baladweyne

Khamiis, Maarso, 24, 2022 (HOL) - Qaramada Midoobay ayaa cambaareysay weerarkii ka dhacay magaalada Baladweyne ee lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed oo katirsanayd barlamaanka Soomaaliya iyo dad kale oo shacab ahaa.  

Xoghayaha guud ee Qaramada Midooba Antonio Guterres  ayaa soo dhoweeyay in baaritaan lagu sameeyo falka lagu dilay xildhibaannada, wuxuuna ku baaqay in doorashada Soomaaliya lagu soo gabagabeeyo si nabad ah.

Antonio Guterres wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay si buuxda u garab taagan tahay una taageereyso Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed dagaalka ay kula jiraan wuxuu ugu yeeray argagixisada.

Wuxuu sheegay inay ka go’an tahay Qaramada Midoobay inay ku taageerto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Soomaaliya.

Dhinaca kale, xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa isna cambaareyay weerarka lagu dilay xildhibaan Aamina Maxamed iyo dadkii kale ee xalay ka dhacay magaalada Beled Weyne.

Si kastaba ha ahaatee, in ka badan toban qof oo ay ku jiraan masuuliyiin, ayaa ku geeriyooday labadii qarax ee ka dhacay magaalada Baladweyne, waxaana masuuliyaddooda sheegtay ururka Alshabaab.

Dadkii ku geeriyooday qaraxyadan ayaa maanta lagu aasay magaalada Baladweyne, waxaana hakad la galiyay howlihii doorashada aqalka hoose ee ka socotay magaalada Baladweyne.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online