7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Kooxda Alshabaab oo sheegatay masuuliyadda qaraxyada ka dhacay magaalada Baladweyne

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay mas'uuliyadda labo qarax oo ismiidaamin ah oo caawa ka dhacay magaalada Baladweyne, kuwaas oo lagu dilay dad ay kamid yihiin xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo xildhibaan hore Xasan Cali Cabdi Dhuxul.

Qaraxyadan ayaa ka dhacay gudaha xerada Lama-galaay ee ku taalla magaalada Baladweyne, halkaas oo ay ka socoto abaabulka doorashada kuraasta taalla magaalada Baladweyne sidoo kalena ay degan yihiin siyaasiyiinta iyo mas’uuliyiinta u sharraxan kuraasta xilldhibaanimo.

Qaraxa koowaad ayaa lagu dilay allaha unaxariistee  xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi, daqiiqado kadibna waxaa dhacay Qaraxa labaad oo ka dhacay banaanka xerada, halkaas oo lagu beegsaday ciidamo iyo saraakiil gurmad ahaa oo soo gaaray xerada markii uu dhacay qaraxii koowaad.

Alshabaab ayaa war rasmi oo kasoo baxay ku sheegtay, in tobanaan qof oo isugu jira siyaasiyiin, xildhibaanno, mas’uuliyiin ka kala tirsan DFS iyo Hirshabelle ay ku geeriyoodeen kuna  dhaawacmeen Qaraxyada ay ka geysteen Baladweyne.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online