7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay dilka xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi
 

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsiyeeyay geerida xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo caawa lagula eegtay magaalada Baladweyne.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku eedeeyay Alshabaab inay ka dambeeyaan qaraxa iyo dilka xildhibaan Aamino oo ahayd musharrax u taagnayd mid kamid ah kuraasta taala magaalada Baladweyne.

Madaxweynaha ayaa falka lagu dilay xildhibaan Aamino ku tilmaamay fal arxan darro ah oo ka tarjumaya sida uu sheegay dhagarta wuxuu ugu yeeray kooxaha cadowga ku ah nolosha shacabka Soomaaliyeed ee birimageydada ah.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan ka tacsiyaynayaa geerida Alle ha u naxariistee Xildhibaan Aamina Maxamed Cabdi oo ay caawa argagixisadu cadowga ku ah nolosha iyo jiritaanka ummadda ay ku dishay magaalada Beledweyne. Qoyskeeda, Qaranka iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed waxa aan uga tacsiyeynayaa geeridaa tiiraanyada badan leh.” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo.

Si kasta ha ahaatee, xaaladda Baladweyne ayaa caawa kacsan, xaafaddaha qaarkood waxaa ka maqan korontada, waxaana isbitaalada magaalada la geeyay dhaawacyo badan oo ku waxyeeloobay labo qarax oo waaweyn oo magaalada Ka dhacay.

Qaraxyadan ayaa kusoo beegmay xilli magaalada Baladweyne ay ku jirto xaalad doorasho, iyadoo halkaas uu sidoo kale ku sugan yahay madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe.

Weli ma jirto cid sheegatay mas'uuliyadda Qaraxyada caawa ka dhacay magaalada Baladweyne.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online