7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Laba qarax oo aad u waa weyn oo Caawa ka dhacay magaalada Baledweyne
 

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Qaraxyo waa weyn oo gilgilay guud ahaan Xaafadaha Magaalada Baledweyne ayaa goordhaw oo Caawa Abaare Salaadii Cishe kadib ka dhacay gudaha Baledweyne.

Qaraxa koowaad oo la sheegay inuu geystay ruux iskusoo xiray waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay gudaha xerada Lamagalaay gaar ahaan afaafka xarunta madaxtooyada Hirshabeelle, waxaana lasoo warinaya in lala eegtay oo ay ku geeriyootay Xildhibaan Aamino Maxamed Cabdi iyo qaar ka mid ah ilaaladeeda.

Daqiiqado kadib qaraxaasi lagu dilay Xildhibaan Aamino ayaa hadana waxaa dhacay qarax kale oo jugtiisa ay ruxday dhamaan xaafadaha Baledweyne lama oga ilaa hadda khasaaraha ka dhashay qaraxa labaad iyo cida lala eegtay.

Qaraxyada kadib waxaa dantay korontadii magaalada oo Caawa guud ahaan xaalada Baledweyne mid aad u cabsi badan maadama rasaas farabadan ay dhaceyso korontada magaalada ay dansan tahay, waxaana adag in la isku socdo oo dhaawacyada la qaado ama la isku gurmado.

Lasoco waxii kusoo kordha wararkan.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online