7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Doorashada kursiga ugu tartanka adkaa kuraasta Golaha Shacabka oo goordhaw soo gabagaboobay
 

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Waxaa goordhaw si rasmi ah usoo gabagaboobay doorashada kursigii ugu tartanka adkaa guud ahaan doorashada kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya, kaasoo deegaan doorashadiisu tahay magaalada Baledweyne.

Kursigaan oo nambarkiisu yahay HOP 063 waxaa isku soo sharaxay Musharaxiintii ugu badneyd oo ahaa 9 Musharax, waxaana afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyay Cabdullaahi Goodax Barre.

Kursigaan oo tartankiisu uu gaaray ilaa sadax wareeg ayaa ahaa mid aad u adag waxaana wareegi koowaad ee kursigaan ku haray ilaa 7 Musharax, waxaana ilaa wareeg sadaxaad tartamay laba musharax ee kala ah Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid iyo Daahir xaaji Aaden.

Labadaan Musharax ayaa wareegii labaad kala helay codad isla siman oo kala ahaa min 50 cod, waxaana ay isla gaareen wareeg sadaxaad oo noqday wareegii ugu dambeeyay, waxaana guusha ku raacday wareega sadaxaad Cabdirisaaq Cabdullaahi Macalin Ciid oo helay 56 cod, halka Daahir xaaji Aaden uu helay 44 cod, sida ay guddiga doorashada ku dhawaaqeen.

Cabdirisaaq Cabdullaahi Ciid ayaa noqday Xildhibaanka afarta sano ee soo socota, kadib tartan adag uu wajahay Maanta, waxaana kursigaan uu noqday kii ugu tartanka adkaa dhamaan kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad ee dalka.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online