7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Doorashada kursiga HOP 063 oo wareegii sadaxaad loo gudbay
 
Labada Musharax ee isku soo hartay waa: Cabdirisaaq macalim Ciid iyo Daahir xaaji Aaden
Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Magaalada Baledweyne waxaa haatan ka soconaya kursi tartankiisa aad u adag yahay oo ay ku tartamayeen Musharaxiin gaarayay ilaa 9 Musharax oo mid ka mid ah ay tahay Dumar.

Tartanka kursigaan HOP 063 ayaa waxaa wareegii koowaad ku wada tartamay ilaa 9 musharax waxaana wareegii koowaad ee tartanka kursiga ku haray ilaa 7 Musharax oo uu ka mid yahay Xildhbaankii kursiga horay ugu fadhiyay Cabdullaahi Goodax Barre.

Musharaxiinta ku tartantay kursiga HOP 063, ayaa wareegii koobaad waxay codadka u kala heleen sida hoose.

1. Cabdullaahi Goodax Baree Waxuu helay 10 cod.
2. Cabdi Afrax Guure waxa uu helay 2 cod.
3. Cabdirisaaq macalim Ciid waxa uu helay 20 cod.
4. Daahir xaaji Aaden waxuu helay 32 cod.
5. Ibraahim Xabeeb waxa uu helay 5 cod.
6. Xiireey Axmed Rooble waxuu helay 8 cod.
7. Maxamed iidle Sabriye waxuu helay 10 cod.
8. Nadar Tabaax Maalin waxay heshay 9 cod.
9. Yoonis Khaliif xasan waxa uu helay 4 cod.

Wareega labaad ee kursiga waxaa u gudbay Cabdirisaaq Macalin Ciid iyo Maxamed Daahir, waxay kala heleen codad gaaraya qofkiiba 50 cod, iyadoo hal codna uu halaabay taasoo keentay in wareeg sadaxaad oo tartan ah usi gufbaan labadaan Musharax.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online