7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Booliska oo ka hadlay weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen garoonka diyaaradaha ee Muqdisho
 

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Labo dagaalame oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaasi oo ciidamada AMISOM iyo kuwa nabad-sugida ay si adag u waardiyeeyaan.

Afhayeenka ciidanka booliska Cabdifitaax Xasan Aadan, ayaa sheegay in dableyda ay isku dayeen inay gudaha u galaan qayb ka mid ah xero ku dhow garoonka, gaar ahaan dhinaca xerada Mariina Gate balse looga hortagay albaabka.

Goobjoogayaaal ayaa xaqiijiyay in kooxda ay ka gudbeen barihii kontoroolka ayna gaareen goob ay ku yaallaan dukaamo ganacsi, qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen.

Ragga weerarka soo qaaday ma aysan gaarin halka diyaaraduhu ay fariistaan, laakiin waxaa la xaqiijiyay hakad ku yimid duullimaadyadii garoonka.

Taliska booliska ayaa bilaabay baaritaano ku aadan weerarka maadaama garoonka uu kamid yahay meelaha sida weyn loo adkeeyo amnigiisa.

Ilaa iyo hadda lama ogga khasaaraha ka dhashay weerar.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), oo qoraal soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in markasta oo la bilaabo qorshaha la wareegidda amniga dalka weerar lagu ekeeyaa garoonka Adden Abdulle.

Isagoo intaasi raaciyay in aysan aheyn wax qarsoon in ay jiraan dowladdo diidan xasiloonida dalka balse ma uusan bixin faahfaahin intaasi ka badan.

Dhinaca hoggaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa yiri “Al-shabaab xoog kuma soo gelin gudaha, wayna cadahay in lala shaqeeyey, loona fududeeyey hawlgalka. Waxaa kaloo iyana muuqata in weerarkii maanta uu jawaab u ahaa farriintii ahayd in doorashada guddoonka baarlamaanka lagu qabto teendhada Afisyoone.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa ugu baaqay Xukuumadda in ay qaaddo tallaabooyin muuqda oo dib-u-habayn lagu sameeyo hoggaanka hay’adda amniga, xilkoodana loo dhiibo shakhsiyaad lagu aamino karo amniga dalka, farahana kula jirin siyaasadda iyo doorashooyinka. Haddii aysan taasi degdeg u dhicin ayuu sheegay in ay ka dhalaneyso in shacabku idinka iyo dawladnimada oo idilba uu ka aamin baxo.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]