7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Al-Shabaab oo weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Daggalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa maanta weerar ku qaaday garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho, halkaasna waxaa ka socda rasaas ay is-weydaarsanayaan ciidanka ammaanka iyo kooxda soo qaaday weerarka.

Goobjoogayaaal ayaa xaqiijiyay in kooxda ay ka gudbeen barihii kontoroolka ayna gaareen goob ay ku yaallaan dukaamo ganacsi, qaarkoodna ay dab qabadsiiyeen.

Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay gudaha u galeen xerada Xalane, halkaasina ay hadda ka dagaallamayaan.

Booliska wali kama aysan hadlin, lama ogga khasaaraha ka dhashay weerarka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), ayaa yiri “Markasta oo la bilaabo qorshaha la wareegidda amniga dalka waxaa weerar lagu ekeeyaa garoonka Aden Abdulle. Ma ahan wax qarsoona in ay jiraan dowlado diidan xasiloonida dalka”.

Halkan kala soco wixii kusoo kordha….

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]