7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Dowladda Shiinaha oo iska fogeeysay taageeradeeda Soomaaliya inay ku hoos jirto dano siyaasadeed
 

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Dowladda Shiinaha ayaa iska fogeysay inay wax dano siyaasadeed ah ka leedahay taageeradeeda Soomaaliya, iyadoo caddeysay inay ka go’antahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya.

Wasiirka arrimaha dibadda dowladda Shiinaha, Wang Yi ayaa hadalkaan soo saaray kadib markii uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse, iyagoo isku arkay shirka ururka iskaashiga Islaamka ee ka socda Isalamabad- Pakistan.

Wang Yi  ayaa yiri,"Soomaaliya waa dal muhiim ah oo ku yaalla Geeska Afrika. Shiinuhu waxa uu ka taageeraa Soomaaliya qaybaha kala duwan ee soo noolaynta iyo ilaalinta xasilloonida siyaasadeed iyo bulsho ee Soomaaliya. Shiinaha iyo Soomaaliya waa saaxiibo wanaagsan. Waxaan mar walba Soomaaliya ku taageernaa ilaalinta madax-bannaanideeda, amnigeeda iyo wadajirkeeda, marna kuma sameynin wax faragelin ah, marna ma raadin dano siyaasadeed oo kama aanan qaybgelin tartanka quwadaha waaweyn. Waxaan diyaar u nahay inaan sii wadno ka qayb qaadashada nabadda, xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya".

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Cabdi Siciid Muuse  ayaa sheegay in Soomaaliya iyo Shiinaha uu ka dhaxeeyo xiriir taariikhi ah oo xooggan, islamarkaana wuxuu tilmaamay in Shiinuhu yahay saaxiib la isku halayn karo oo Soomaaliya ay la leedahay.

Wasirka  arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay inay isku raaceen wasiirka arrimaha dibadda Shiinaha in la qabto shirka nabadda ee Geeska Afrika, shirkaas oo dowladda Shiinaha ay kusoo bandhigidoonto kaalinta Shiinaha kaga aadan nabadda iyo xasilloonida Geeska Afrika.

Dowladda Maraykanka ayaa dhowaan ku eedeysay Shiinaha inuu doonayo inuu Soomaaliya ka sameysto saldhig milatari oo ujeedada Shiinuhu ka leeyahay ay tahay inuu gurto kheyraadka Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online