7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Wasiirka maaliyadda Soomaaliya oo Mareykanka kula kulmay madaxda IMF & Bangiga Adduunka


Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Wasiirka maaliyadda dowladda Federaalka Soomaaliya Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, ayaa magaalada Washington ee dalka Mareykanka kulan kula yeeshay agaasimaha guud ee maamulka hay'adda IMF Kristalina Georgieva iyo madaxweyne ku xigeenka Bangiga Adduunka ee Afrika Hafez Ghanem, iyagoona ka wada-hadlay horumarinta barnaamijka dib-u-habeynta maaliyadda Soomaaliya.

Wasiirka oo booqasho shaqo u jooga magaalada Washington ayaa madaxdii uu la kulmay siiyay warbixino ku saabsan horumarka Soomaaliya ay ka samaysay dhawrkii sano ee la soo dhaafay dib-u-habeynta dhaqaallaha iyo mashaariicda horumarineed ee ka socda Soomaaliya.

Kulanka sidoo kale waxaa looga hadlay hannnaanka deyn-cafinta Soomaaliya iyo halka uu marayo barnaamijka dhammaystirka deyn-cafinta.

Madaxda hay'adda IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa soo dhoweeyay hannaanka nidaamka maaliyadda Soomaaliya ay ku socoto iyo horumarka laga sameeyay dib -u-habaynta dhaqaallaha dalka, iyagnoona ballan-qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada dowladda Federaalka Soomaaliya.

Hay’adda IMF ayaa 7-dii bishan soo saartay war-saxaafadeed ku saabsan natiijada ka soo baxday shirkii dib-u-eegista 2aad iyo 3aad ee Barnaamijka Deyn-Cafinta (ECF) ee Soomaaliya ay la yeelatay labadii toddobaad ee xiligaasi ka horreeyay hay’addaha Bangiga Adduunka iyo IMF.

War-saxaafadeedka ayaa muujiyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee dib-u-habeynta maaliyadda, iyada oo dalka uu ku jiro abaaro, COVID-19 iyo isbaddelka cimilada.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]