7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Maamulka Gobolka Banaadir oo shirkadaha korontada ka codsaday in ay sameeyaan qiimo dhimis
 

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), agaasimaha solarka iyo korontada gobolka Banaadir, agaasimayaal iyo la-taliyeyaal ka tirsan xafiiska amniga iyo siyaasadda, ayaa shalay kulan la qaatay maaamulka saddexda shirkadood ee ugu weyn ee adeegga korontada ka bixiya magaalada Muqdisho.

Shirka ayaa looga hadlay saddex qodob oo kala ah sara-u-kaca qiimaha korontada magaalada, wax ka qabashada khasaaraha dabka dhaliyo korontada iyo inay shirkaduhu nalal geliyaan goobaha mugdiga ah oo mararka qaarkood dhibaatooyin loogu geysto shacabka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Cali Cabdi Wardheere (Cali Yare), ayaa sheegay in iyaga oo shirkadaha uga garaabay culeyska heysta haddana ay ka codsadeen in muddo todobaad ah ay bulshada ugu sameeyaan qiimo dhimis, isagoona uga mahadceliyay rajada weyn ee ay muujiyeen.

Guddoomiyaha ayaa intaasi ku daray in asbuuca dambe loo ballamay kulan kale iyo go'aanka qiimo dhimista oo laga sugo dhanka shirkadaha korontada.

Shirkadaha korontada ayaa 15-kii bishan shaaciyay in 0.10$ ay ku kordhiyeen qiimihii hore ee korontada, iyagoona u sababeeyay sara-u-kaca ku yimid qiimaha shidaalka ee dalka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]