7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Turkiga oo tallaalka COVID-19 soo gaarsiiyay dowladda Soomaaliya
 

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Safiirka dowladda Turkiga u fadhiya dalka Soomaaliya Mudane Mehmet Yılmaz, ayaa shalay gelinkii dambe wasaaradda caafimaadka ee dowladda Soomaaliya ku wareejiyay qeybtii koowaad ee tallaal ka kooban 290,400 oo doos.

Dowladda Turkiga ayaa Soomaaliya u qorsheysay inay siineyso 1 million oo doos oo ah tallaaalka COVID-19 ee (SINOVAC), iyadoona shalay oo taariikhdu ay aheyd 22 Maarso, 2022 soo gaarsiisay dalka qaybteedii koowaad oo ka kooban 290,400 doos.

Wasiir ku xigeenka Caafimaadka Xukumada Federaalka ee Soomaaliya Dr Axmed Xuseen Macalin Dr Gurey, ayaa sheegay in ay wali socoto caawimaada dowladda Turkiga ee dhinaca la dagaallanka xanuunka COVID-19, waxaana dowladda Turkiga iyo safiirkeeda uu uga mahadceliyay sida ay mar walba u garab taaganyihiin shacabka iyo dowladooda Soomaaliya.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan, ayaa intii uu socday shirkii saddexaad ee waddamada Afrika iyo Turkiga ballanqaaday in dadalka Africa oo dhan ay ugu deeqi doonaan ilaa 15 miliyan oo doos oo tallaalka COVID-ka, qeybtii ugu horreysay ee Soomaaliya kusoo aaday ayaa shalay lagu wareejiyay dowladda Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa wali si adag ula dagaallameysa xanuunka COVID-19, xili dalka uu ku jirto doorashooyin muddo dhaaf ah iyo abaaro xooggan oo saameynaya guud ahaan wadanka.

Wasiirka Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr Fowsiya Abiikar Nuur oo ay wehliyaan safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann, ku-xigeenka ergeyga gaar ka ah ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo madaxa Ururka Caafimaadka Adduunka (WHO), ayaa 17-kii bishan isbitaalka De Martino ee magaalada Muqdishu ku daah-furay warshadii ugu horreysay ee dhalisa oxygen-ta dadweynaha.

Warshadda ayaa shaqeyneysay tan iyo bishii Diseember balse maalintaas ayaa si rasmi ah loo daah-furay, waxaana ay qeyb ka tahay dadaaladda ka jawaabida COVID-19. Safiirka Midowga Yurub ayaa sheegtay in labo warshadood oo kale dhowaan lagu rakibi doonaa magaallooyinka Hargeysa iyo Garoowe.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]