7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Doorashada laba kursi si weyn loo sugaayo tartankooda oo Maanta ka dhaceysa magaalada Baledweyne
 

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Waxaa Maanta markale lagu wadaa in magaalada Baledweyne ay ka dhacdo doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka ee deegaan doorashadoodu tahay Baledweyne, kuwaas oo tartankooda aad u adag yahay, islamarkaana doorashadoodu Shalay baaqatay.

Labada kursi ee Maanta doorashadoodu dhaceyso ayaa ah kuwa si weyn indhaha loogu wada haayo waxayna kala yihiin HOP 011 iyo HOP 063.

Kursiga HOP 011, waxaa ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay Cabdirisaaq Cumar Maxamed oo mar soo noqday wasiirka Amniga xukuumadda Soomaaliya, waxaana kursiga kula tartami doona Musharax Maxamed Cumar Baroow.

Kursiga HOP 063, oo uu ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre, waxaa kula tartami doona ilaa 8 Musharax oo ay ka mid yihin Xoghayaha maamulka G/ Banaadir Xiireey, Xildhibaan hore Ibraahim Xabeeb, Duqa magaalada Baledweyne Nadar Tabaax iyo musharrixiin kale oo saameyn leh, waana kursigii ugu badnaa ee Musharaxiin intaa gaareyso ay isku diiwaan galyaan.

Doorashada labadaan kursi ayaa qorshuhu ahaa iney qabsoomaan maalintii Shalay aheyd hayeeshee guddiga doorashada waxay sheegeen in sababo farsamo awgood ay dib ugu dhaceen doorashada labadaan kursi, waxaana guddiga xalay ay sheegeen in doorashada labadaan kursi ay dhacayaan subaxnimada hore ee Maanta inkastoo aysan wali bilaaban hadana waxaa socda qabanqaabadii ugu dambeysay ee doorashada.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online