7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Madaxweynaha jubbaland oo doorashada kuraasta Garbahaareey u wareejiyay Ceelwaaq

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa qorsheeyay in doorashada 16-ka kursi ee Aqalka Hoose ee gobolka Gedo loo raro magaalada Ceel-waaq oo ku dhow xuduudka Kenya.

Magaalada Ceelwaaq ayaa haatan laga dhisayaa goobtii loogu talo galay in lagu qabto doorashada 16 kursi oo horey qorshuhu u ahaa in lagu qabto magaalada caasimadda ah ee Garbahaarey.

Balse arrintaan waxay ka hor imaanaysaa heshiiska 17 ka september 2020, kaas oo dhigayay in aan waxba laga beddeli karin habraaca doorashada.

Todobaadkii hore ayay ahayd markii guddiga doorashada Jubaland [SEIT] ee fadhigoodu yahay magaalada Kismaayo ay ku dhawaaqeen in muddo labo todobaad gudahood ah lagu qaban doono doorashada kuraasta Gedo.

Wasiiro ka tirsan Jubaland ayaa dhawaan booqasho ku tagay magaalada Ceel-waaq si ay indhahooda ugu soo arkaan teendhada laga dhisayo garoonka diyaaradaha ee magaalada oo ay ilaalinayaan ciidamada Kenya, halkaas oo la qorsheeyay in lagu qabto doorashada.

Guddi uu raysal wasaaruhu u magacaabay kasoo talo bixinta xaaladda magaalada Garbahaareey in lagu qaban karo doorashada, ayaa dhowaan loo diiday inay tagaan magaalada Garbahaareey.

Guddigan ayaa raysal wasaaraha ku celiyay warbixin, iyagoo sheegay in aanay xilligan suurtagal ahayn in doorasho lagu qabto Garbahaareey.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online