7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 23, 2022
Madaxweyne Biixi: Hiigsiga yaga ugu wayni wuxuu yahay in aanu helno aqoonsi caalami ah
 

Arbaco, Maarso, 23, 2022 (HOL) - Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in uu Maraykanka ugu safray, si uu dadka Maraykanka uga dhaadhiciyo qadiyada Somaliland, in uu ku qanciyo in uu Maraykanku Somaliland la yeesho xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo mid amni.

Madaxweynaha oo qudbad ka jeediyay Jaamada George Washington University, ayaa sheegay in Somaliland ay dhistay dowladnimadeeda imikana ay diyaar u yihiin in ay caalamka ku qanciyaan in Somaliland ay tahay dowlad jirta oo aqoonsi ka rabta beesha caalamka.

"Halkan waxaanu u nimid in aanu dadka Maraykanka iyo aqoonyahakooda u sharaxno qadiyada Somaliland, hiigsigayaga ugu wayni waxa weeyaan in aanu helno aqoonsi caalami ah,  30 sanno waxaanu dhisaynay gudahayaga, hadana waxaanu rabnaa in aanu dadka ku qancino in meesha dowladi ka jirto" ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Waxa uu sheegay in dadka reer Somaliland ay dalkooda dib u dhiseen, kadib burburkii ay u gaysatay dowladii kacaanku, isagoo sheegay in ay dhismaha Somaliland kasoo bilaabeen meel aad u hoosaysa.

"Somaliland waxay dib u dhistay magaalooyinkeedii iyo xarumihii waxbarashada, ma malayn kartid waxaanu soo marnay, ciidankii cashuurtayada laga masruufayay, ayaa dakan dakan ka dhigay magaalooyinkayaga 1988, waxaanu ka soo bilownay iyadoo aanu jirin xafiis dowladeed, isbitaal iyo ciidan amaan toona" ayuu yidhi madaxweyne Biix.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Somaliland ay tahay waardiyaha Badda Cas, "Waxaanu nahay waardiyayaasha Badda Cas ka ilaaliya argagixisada, sidaad ogtihiin Geeska Afrika waxaa ka socda dhaq dhaqaaqyo argagixiso oo badan, Alshabaab, Daacish iyo kuwo kale, waxaanu leenahay xeeb dhererkeedy dhanyahay 840 KM, 33 kii sanno ee lasoo dhaafay wax budhcad badeed ah laguma arag.

Madaxweynaha ayaa ku faanay in ay Somaliland qaybta ay dunida kaga taalo ay ilaalisay, isla markaana ay rabto in xidhiidh ay la yeelato caalamka iyo Maraykanka si layskaga kaashado sugida amaanka mandaqada istiraatijiga ah ee ay Somaliland ku taalo, sidookale waxa uu sheegay in waftigiisu ay ka shaqaynayaan sidii Somaliland loogu furi laha wada shaqaynta dhaqaalaha.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online