7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2022
Dib u dhac ku yimid doorasho Maanta ka dhici laheyd magaalada Baledweyne iyo Sababta oo la ogaaday

Talaado, Maarso, 22, 2022 (HOL) - Afhayeenka madaxtooyada maamulka Hirshabeelle ayaa goordhaw shaacisay in dib u dhac uu ku yimid doorashada laba kursi oo ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka oo lagu waday in maanta doorashadoodu ka dhacdo magaalada Baledweyne.

Madaxtooyada Hirshabeelle ma aysan bixin faahfaahin dheeraad ah oo la xariirta sababta keentay dib u dhaca ku yimid doorashada, marka laga soo tago iney sheegeen in xili habeen ah ay noqotay doorashadana Musharaxiin badan u taagan yihiin, islamarkaana la qaban doono galinka hore ee maalinta berito ah.

Si kastaba ha ahaatee warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dib u dhaca doorashada ay timid kadib khilaaf kala duwan oo hareeyay doorashada  kuraastaasi, waxaana xogta Shabakadda HOL ay heshay ay sheegaysa in kursiga HOP 011, uu  baaqday khilaaf la xariira murum xoogan oo u dhaxeeya beesha kursiga iska leh.

Kursiga kale ee HOP 063, lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dib u dhaciisa doorashada, hayeeshee warar hoose ee laga helayo baaqashadiisa waxay sheegayan  inuu u baaqday khilaaf soo kala dhexgalay maamulka amniga doorashada iyo Musharaxinta kursiga, kaasoo salka ku haayo bixinta dhaqaalo ku saabsan amniga doorashada, iyadoo Musharaxiinta u tartameysa kursigaas ay ka biyo diideen iney bixiyaan lacagahaasi.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhanka guddiga doorashada maamulka Hirshabeelle oo ku saabsan sababaha keenay dib dhaca ku yimid doorashada labada kursi ee HOP 011 iyo HOP 063 oo Maanta lagu waday in doorashadooda qabsoonto.

Jamaal Cali Cabdi, Hiiraan Online