7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2022
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo la kulmay dhiggiisa dalka Shiinaha
 

Talaado, Maarso, 22, 2022 (HOL) - Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdisaciid Muuse Cali iyo dhiggiisa dalka Shiinaha Mudane Wangi Yi, ayaa kulan ku yeeshay magaalada Islamabad ee dalka Pakistan, halkaas oo maanta uu ka furmay meertada 48-aad ee Shirka Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee dalalka ku bahoobay Ururka Iskaashiga Islaamka.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa kulan-doceed la qaatay dhiggiisa wasiirka arrimaha dibadda dalka Shiinaha, iyagoona ka wada-hadlay xoojinta xiriirka iyo wax-wada-qabsiga ka dhexeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha, iyo sidii labada dal ay isaga kaashan lahaayeen dhinacyada amniga, bani’aadantinimada, horumarinta, ganacsiga, kalluumaysiga, dhaqaallaha iyo arrimaha gobolka.

Wasiir Cabdisaciid ayaa la wadaagay dhiggiisa Shiinaha tacsi ku aaddan dhibbaneyaashii ay waxyeelladu ka soo gaartay diyaaraddii shalay ku burburtay dalka Shiinaha, isaga oo sidoo kale uga mahadceliyey dowladda Shiinaha doorka ay ka qaateen gurmadka loo fidinayo shacabka Soomaaliyeed ee ay abaaruhu saameeyeen.

Ugu dambeyntii labada wasiir ayaa hoosta ka xariiqay ka mira-dhalinta xiriirka iyo in ay si dhow isaga kaashadaan xoojinta iyo ilaalinta xeerarka iyo mabaadi’da caalamiga ah.

18-kii bishan danjiraha dowladda Shiinaha u fadhiya Soomaaliya Fei Shengchao ayaa gaadiid dagaal ku wareejiyay wasiirka gaashaandhiga Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur.

Gaadiidka oo ay adeegsan doonaan ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa qeyb ka ah dadaalada dowladda Shiinaha ee dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliya.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]