7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2022
Gudiga amniga qaranka Soomaaliya oo ansixiyay qorshaha kalaguurka amni ee Soomaaliya
 

Talaado, Maarso, 22, 2022 (HOL) - Guddiga istaraatiijiyadeed ee uu hogaaminayo xafiiska amniga qaranka Soomaaliya ayaa ansixiyay qorshaha kala guurka Soomaaliya ee loosoo gaabiyo STP ka hor inta aan qorshahaas loo gudbin golaha Midowga Afrika iyo golaha ammaanka.

Qorshaha kala guurka ee Soomaaliya ee la meel mariyay ayaa u gogol xaaraya habsami u wareejinta mas’uuliyadda amniga ee lagu wareejinayo Ciidamada Ammaanka Soomaaliya.

STP waa istaraatiijiyad dhameystiran oo ay dejiyeen Dowladda Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda si ay ugu jiheeyaan in si tartiib-tartiib ah mas'uuliyadda amniga Soomaaliya loogu wareejinayo ciidamada amniga ee Soomaaliya.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya, Cabduqaadir Maxamed Nuur, ayaa sheegay in qorshaha kala guurka uu diiradda saarayo sidii Soomaaliya loogu gaarsiin lahaa isbedel amni oo dhameystiran.

Wuxuu sheegay in Qaramada Midoobay ay  ka go’an inay taageerto hannaankan ay Soomaalidu hormuudka ka tahay.

Kowda bisha Abril ayaa la filayaa inuu bilowdo howgalka cusub ee ATMIS, kaasoo lagu beddelayo howlgalkii AMISOM.

Howlgalka ATMIS, ciiddamada Soomaaliya ayaa kaalin muuqata oo firfircoon ku leh howgallada amni ee dalka, iyadoo 2024 lagu heshiiyay in guud ahaan amniga dalka lagu wareejiyo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online