7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2022
Madaxweyne Farmaajo iyo siyaasiyiin kale oo ka tacsiyadeeyay geerida Sheekh Shariif Sh. Muxyadiin Celi
 

Talaado, Maarso, 22, 2022 (HOL) - Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi oo ahaa caalim diineed iyo aqoonyahan sare oo ka mid ahaa macallimiintii Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed, ayaa ku geeriyooday magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka tacsiyeynayay geerida Sheekha, ayaa xusay doorkii wanaagsanaa ee uu ka soo qaatay arrimaha dacwada Islaamka, wax-baridda ubadka, faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyi-gelinta shacabka Soomaaliyeed.

 
“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Waxaan u tacsiyeynayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi. Marxuumku waxa uu ka mid ahaa tiirarka Culimada Soomaaliyeed ee wakhtigooda iyo noloshoodaba u hibeeyey faafinta diinta, baraarujinta iyo wacyi-gelinta shacabka Soomaaliyeed.

Ra'iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble, ayaa xusay in Sheekhu uu ka mid ahaa culimada waaweyn iyo aqoonyahanka dalka ee kaalinta weyn ku lahaa faafinta diinta Islaamka, nabadda iyo wacyi-gelinta bulshada.

"Waxaan qoyskiisa iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa geerida Allaha u naxariistee Sheekh Shariif Sheikh Muxyadiin Celi”, ayuu yiri mudane Rooble.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed Filish, ayaa xusay in geerida Allaha Unaxariisto Sheekh Shariif Sheikh Muxiyadiin Celi, ay si gaar ah u taabatay guud ahaan Ummada Soomaaliyeed maadaama lagu xasuusto in uu soo saaray arday badan oo ka aflaxday xarunta Culuumta Diinta ee Sheikh Muxiyadiin Celi.

Madaxweynayaal hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa kamid ah siyaasiyiinta ka tacsiyadeeyay geerida Sheekha, iyagoona xusay in lagu xusuusan doonaa dadaalkii uu muddada dheer ku bixiyay fidinta dacwada Islaamka.

Cabdiraxmaan Cabdishakur Warsame, ayaa yiri “Waxaan guud ahaan ummada Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda culimada iyo xerta Mawlaca uga tacsiyeynayaa geerida Sheekh Shariif Sheekh Muxyadiin Celi. Sheekh Shariif wuxuu ka mid ahaa tiirarka cilmiga, fidinta iyo difaaca Diinta Islaamka. Allaha u naxariisto Sheekha, sabar iyo iimaana Allaha naga wada siiyo. Aamiin”.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]