7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2022
Mareykanka oo abaalmariyay 3 askari oo katirsan ciiddamada Kenya oo ka qeyb qaatay difaaca weerarkii saldhigga Manda Bay
 

Talaado, Maarso, 22, 2022 (HOL) - Taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa saddex askari oo ka tirsan Ciidanka Difaaca Kenya ku abaalmariyay billado ay ku muteysteen weerarkii 5-tii Janaayo ee 2020, ee Al-Shabaab ay ku qaadeen saldhigga Manda, ee gobolka Lamu.

Agaasimaha Hawlgalka ee AFRICOM Sarreeye Gaas Gregory Anderson ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Kornayl Daniel Rotich, Major Martin Muthaura iyo Corporal Peter Shikuri, iyagoo ku mutaystay jawaab-celintii degdegga ahayd ee ay ka bixiyeen ka-hortagga weerarkii Camp Simba ee Manda.

Sarreeye Gaas Anderson oo ka hadlay xafladda abaal-marinta ayaa uga mahad-celiyay saddexda dagaalyahan sida ay u shaqeeyeen  kuwaasoo kaalin weyn ka qaatay la-dagaalanka kooxda Alshabab.

"Waxaad naftiina ku ilaaliseen safka hore ee dagaalka si aad u ilaalisaan dadka kale oo aad u badbaadisaan qarankiina. Runtii tani waa mid amaan mudan, waana idinkaga mahadcelinaynaa geesinimadiina,” ayuu yiri Sarreeye Gaas Anderson.

Weerarka saldhigga Maraykanka ee Manda Bay waxaa ku dhintay saddex qof oo Maraykan ah, waxaana ku dhaawacmay sarkaal ka tirsan ciidamada difaaca.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online