7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2022
Ciidanka booliska iyo nabad-sugida oo xalay howlgallo ka sameeyay Muqdisho
 

Talaado, Maarso, 22, 2022 (HOL) - Taliska ciidanka booliska ee qeybta Waliyood Cadde iyo ciidanka nabad-sugida ee NISA, ayaa xalay howlgallo qorsheysan oo amni xaqiijin ah ka sameeyay baraha kontrool ee ku yaalla isgoysyada Carwa cidko, Baar-ubax, Bakaaro, Balaaksii iyo isgoyska Shaqaallaha ee magaalada Muqdisho.

Taliye ku-xigeenka qaybta Waliyow Cadde Gaashaanle Isaaq Maxamed Ciise oo la hadlay warbaahinta, ayaa sheegay in ciidanka ay u diyaar-garoobayaan sugida amniga magalada Muqdishu, maadaama ay nagu soo dhowdahay bisha barakeysan ee Ramadaan.

“Maadaama ay nagu soo dhowdahay bisha barakeysan ee Ramadaan waxaan u diyaar-garoobeynaa sugida amniga, annaga oo markii horeba aad u diyaarsaneyn. Waxaan dooneynaa in dadka ay nabad ku soomaan, kuna afuraan. Annaga oo kaashaneyna dhammaan ciidanka qeybta guud iyo nabad-sugida ee NISA waxaan u diyaar-garoownay in aan howlgallo baaritaanno ah ka sameyno dhammaan meelaha muhiimka ah ee ugu mashquulka badan”, ayuu yiri taliyaha.

Dhinaca kale xaafaddaha magaalada Muqdishu waxaa kusoo batay dhac baahsan oo ay geysanayaan burcada hubeysan, kuwaas oo telefoonada iyo wixii lamidka ah ka qaata dadka, balse taliyaha saldhigga booliska degmada Howlwadaag Najiib Cabdi oo qeyb ka ahaa howlgalka, ayaa ugu baaqay shacabka in ay adkeystaan isla markaana ciidanka booliska aysan joojin doonin howlgallada amni xaqiijinta, gaar ahaan kuwa lagula dagaallamayo kooxahaasi caadeystay dhaca maalka shacabka.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]