7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2022
Alshabaab oo xaqiijiyay inuu kooxdooda kusoo biiray Sheikh Aadan Sunni

Talaado, Maarso, 22, 2022 (HOL) - Ururka Alshabaab ayaa sheegay inay deegaanadooda kusoo dhoweeyeen Sheikh Aadan Sunni,  kaas oo kamid ahaa wadaadada Somaliland.

Warar lagu faafiyay baraha internetka Alshabaab ayaa lagu sheegay inay kooxdu magangalyo siisay Sheikh Sunni iyo qoyskiisa oo ay sheegeen inay u tageen deegaanadda Alshabaab inay ka qeyb qaataan waxay ugu yeereen fidinta dacwadda Diinta Islaamka.

Alshabaab ma sheegin meesha uu ku sugan yahay Sheikh Sunni, balse waxay sheegeen inuu socdaallo ku maridoono gobolada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ee ay kooxdu gacanta ku hayso.

Sheikh Sunni oo dhowaan lagasoo siidaayay xabsi kuyaala magaalada Hargeysa ayaa isaga iyo qoyskiisa usoo baxsaday dhinaca gobolada Koonfurta Soomaaliya. Wuxuu wareysi uu siiyay BBC Soomaali u sheegay inuu si rasmi ugu biiray Alshabab.

Sheikh Sunni dhowr jeer ayaa loo xiray tuhun ku aadan inuu xiriir laleeyahay Alshabaab. Wuxuu marar badan taageeray afkaarta Alshabaab.

Wadaadkan waxay aad isugu dhow yihiin hoggaamiyihii hore ee kooxda Alshabaab, Axmed Cabdi Godane, kaasoo sannadkii 2014 lagu dilay duqayn ka dhacday magaalada Baraawe.

Warar ayaa sheegaya in Sheikh Sunni lagu wado inuu ku biiro hoggaanka sare ee Alshabaab.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online