7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2022
Koongraska Maraykanka oo loo gudbiyay hindisaha aqoonsiga Somaliland

Talaado, Maarso, 22, 2022 (HOL) - Xildhibaan Scott Perry oo ka tirsan Guddi Hoosaadka Arrimaha Dibadda ee Koongaraska Maraykanka, ayaa aqalka koongaraska  u gudbiyay hindise uu ku doonayo in Somaliland loogu aqoonsado dowlad madaxbannaan.

Perry oo laga soo doorto gobolka Pennsylvania, ee dalka Maraykanka, ayaa si toos ah hindisahan ugu gudbiyay Koongaraska, waxaana la rajaynayaa in aqalka Koongarasku uu cod u qaado; guddida arrimaha dibada ee uu Perry ka tirsanyahay ayaa sidookale, dowlada Maraykanka u gudbiyay hindise sharciyeed ay doonayaan in Maraykanku uu Somaliland kula yeesho xidhiidh dibulumaasiyadeed iyo mid amaan.

Talaabadan ay xildhibaanadu ku doonayaan in Somaliland loogu aqoonsado dowlada madaxbannaan, ayaa timid kadib wafti uu madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi hogaaminayo oo safar 10 cisho ah ku jooga Maraykanka, waxaana muuqata saamaynta kulamadii uu waftiga Somaliland la qaatay guddi hoosaadka arrimaha dibada.

Somaliland ayaa markan isku dayaysa in ay xulufaysato waddamada reer galbeedka, oo ay u arragto in ay ka heli karto taageero siyaasadeed, dhaqaale iyo amaan, iyadoo madaxweynaha Somaliland uu markii u horaysay kaxaystay wafti ka kooban wasiiro, ganacsato iyo aqoonyahan, isla markaana, uu dhexmaray machadka Heritage Foundation oo door laxaadle ka ciyaara masiirka siyaada arrimaha dibadda Maraykanka.

Somaliland ayaa sheegtay in ay beegsanayso baarlamaanada waddamada caalamka oo ah kuwa inta badan go'aan ka gaadha siyaasadaha waddamadooda, waxaana bilihii u danbeeyay isasoo taraysay hindisayaasha xildhibaano ka tirsan waddamada reer galbeedka ugu tunka wayni ay ku doonayaan in Somaliland lagu aqoonsado.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online