7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 22, 2022
Wararkii u dambeeyay ee shaqaaqadii ka dhacday magaalada Bambaas

Talaado, Maarso, 22, 2022 (HOL) - Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya magaalada Bambaas ayaa sheegaya in shaqaaqadii iyo dhibkii ka dhacay magaalada kaddib la caleema saarey Ugaas beeleedkii caleema saarkiisu dhibka ka dhacay, iyadoo goobta caleema saarka ay yimaaddeen Odayaal dhaqameedka degaanka Soomaalida.

Waxa kale oo iyaguna goobta caleema saarka yimid Hoggaanka Nabadgalyada ee dowlad degaanka Soomaalida Mubashir Dibad Raage, oo u tacsiyeeyey dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay shaqaaqadii ka dhacday magaalada Bambaas, waxa uuna sheegay in baaris ay wadaan la xiriirta siday u dhacday arrintan, cidda ay ku cadaatana jeelka la dhigayo, arrinkuna uu ahaa Gacan kaa dhacday oo kugu dhacday.

Sidoo kale Odayaal dhaqameedka, Ugaasyada iyo Suldaamada kasoo qayb galay caleema saarka Ugaaska beesha Akisho ee degmada Gursum Ugaas Bashior Cali Xaydar, ayaa dhankooda sheegay inay ka xun yihiin waxa meesha ka dhacay, balse waxay shacabkii goobta isugu yimid ugu baaqeen inay nabadda ka shaqeeyaan, oo ay iska ilaawaan dhibaatadii meesha ka dhacday.

Geesta kale waxaa iyagana Aas qaran loo sameeyay dadkii ku geeriyooday shaqaaqadan, oo maydadkooda oo yaaley ilaa shalay lagu aaso hal goob oo magaalada dhinaceeda ah.

Ugu dambayn si guud masuuliyiintii ka socotay dhanka dowladda iyo Odayaal dhaqameedkii kasoo qayb galay caleema saarkan, waxay ugu baaqeen dadkii ay dhibaatadu soo gaartay in Nabadda laga shaqeeyo, oo qof waliba gurigiisii ku noqdo, arrinka dhacayna halkaa lagu ilaawo oo Odayaasha loo daayo xallinta wixii khilaaf ah ee jira, Ugaaska la caleema saarayna waxay ugu baaqeen Odayaashu inuu ka shaqeeyo Nabadda, oo uu fidiyo gogol nabadeed, isuna keeno dadkan wada dega ee dhibka kala sheeganaya, iyaguna ay dhankooda diyaar ula yihiin Ugaaska inay howshaa waxa uu uga baahdo xalinteeda ka caawiyaan.

Shaqaaqadan oo dhacday maalinimadii Axadda ee aynu soo dhaafnay, ayaa waxaa  ku dhintey dad kor u dhaafaya 10 qof, iyadoo ugu dambayn lagu guulaystay in Ugaaskii beel kamid ah beelaha dega magaalada Bambaas la caleema saaro, arrintiina halkaa lagu soo gabagabeeyo, iyadoo dowladduna ay dhankeeda ballan qaaday in baaris madax banaan la samaynayso, lagana tallaabo qaadayo ciddii ay ku caddaato inuu ka dambeeyay ama ku lug lahaa dhibaatadan, Axadii ka dhacday magaalada Bambaas ee dadka badani ku dhinteen.

Madaxweynaha dowlad degaanka Soomaalida Mustafe cagjar ayaa u tacsiyadeeyay dadkii ay dhibaatadu kasoo gaartay shaqaaqadii maalinimadii Axadda ahayd ka dhacday magaalada Banbaas ee dowlad degaanka Soomaalida, sidoo kale waxa uu sheegay in guddi madax banaan loo saaray inay soo baaraan arrintan, iyo waliba siday wax u dhaceen.

Abdilahi Jawhar, Hiiraan Online
[email protected]