7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2022
9 musharrax oo ku tartamaya kursiga uu ku fadhiyay xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre
 

Isniin, Maarso, 21, 2022 (HOL) - Illaa 9 Musharax ayaa iska diiwaan geliyay doorashada Kursiga HOP063 oo uu ku fadhiyay Xildhibaan Cabdullaahi Goodax Barre.

Guddiga doorashada Hirshabeelle ayaa tartan furan ka dhigay doorashada kursigan,  wuxuuna noqonayaa kursigii ugu horeeeyay ee musharraxiin tiradaas ah ay ku tartamayaan, balse ma noqondoono kursigii ugu horreeyay ee si furan loogu tartamo.

Musharaxiinta is diiwaan gelisay ayaa waxaa ku jira Xildhibaan Goodax, duqa magaalada Baladweyne Nadar Tibaax Maalin, Xoghayaha Guud ee Gobolka Banaadir iyo Xildhibaan hore Ibraahim Xabeeb iyo qaar kaloo aan saamayntooda la dhayalsan karin.

Kursigan ayaa kamid ah kuraasta ugu adag ee taal magaalada Beledweyne ee uu loollan adag  ka jiray maalmihii ugu dambeeyay,  waxaana si gaarka ah isha ugu haya muxaafidka iyo mucaaradka.

Madaxweynaha Hirshabelle Cali Guudlaawe ayaa horey u ballanqaaday in kursta hartay loo gali doono doorasho tartan furan, si uu dhinacyada danaynaya usiiyo fursad ay ugu wada tartamaan.

Abdiweli M. Sheikh, Hiiraan Online