7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2022
Sheekh Aadan Sunne oo si rasmi ah u qirtay in uu Al-shabaab ku biiray
 

Isniin, Maarso, 21, 2022 (HOL) - Sheekh Aadan Cabdiraxmaan Warsame (Sheekh Aadan Sunne) oo kamid ahaa culimada waa wayn ee Somaliland, oo isaga iyo qoyskiisa la waayay muddo tobaadyo kahor ah, ayaa sheegay in uu si rasmi ah ugu biiray urrurka Al-shabaab.

Sheekh Aadan Sunne, oo waraysi gaar ah siiyay idaacada BBC Somali, ayaa sheegay in isaga iyo qoyskiisuba, ay ka guureen magaalada Hargaysa, kadib, markii laamaha amaanka Somaliland, ay ka hor istaageen in uu diinta dadka baro.

"Magaalada Hargaysa waxan kasoo baxay aniga oo reer kaygii wata, waddankii aan udhashay ee aan ku dhashay, ee aan ku dhaqmay, ee aan ku dhistay, ee aan ka ahaa nin culimo ah oo ku howlan dacwada Islaamka, dacwadii iyo tarbiyadii aan waday oo ay ku timid carqalad oo ay kaga timid nidaamka" ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne.

Waxa uu sheegay in uu hada ku suganyahay gobolada ay maamusho kooxda Al-shabaab ee dalka Soomaaliya, inkasta oo uu ka gaabsaday in uu sheego meesha saxda ah ee uu kaga suganyahay.

"Hada waxan joogaa qaybo kamid ah dalkayga Soomaaliya, gaar ahaan ku suntan qaybaha ay wilaayaadka Islaamku gacanta ku hayaan, waxan dhex mushaaxayaa oo aan dhinacwalba uga gudbayaa wilaayaadka 11 ka ah ee ay gacanta ku hayaan, xarakatu Shabaab Al-mujaahidiin" ayuu yidhi Sheekh Aadan Sunne.

Waxa uu sheegay in uu xoog iyo cilmi-ba ku taageeri doono, dagaalka ay ku jirto kooxdu oo uu ku tilmaamay mid xaq ah, "Waxaa halkan ka jira masuuliyad diineed oo dalka iyo diinta lagu difaacayo oo xaq ah, wixii aan awoodayda ka qaban karo ee cilmigayga iyo kartidayda aan u isticmaalayana waan kala qayb qaadanayaa".

Xukuumada Somaliland ayaa maalmo kahor sheegtay in sheekhu uu kooxda Al-shabaab ku biiray kadib in muddo ah oo la la'aa isaga iyo 13 xubnood oo qoyskiisa ka tirsan. Sheekha ayaa marar kala duwan xabsiga la dhigay kadib markii lagu eedeyay fikrado iyo falal argagixisonimo.

Abdilahi Geel-maal, Hiiraan Online