7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2022
Ra’iisul Wasaare Rooble iyo wakiillada beesha caalamka oo ka wada-hadlay dhammeystirka doorashooyinka

Isniin, Maarso, 21, 2022 (HOL) - Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta habka fogaan aragga shir kula yeeshay wakiillada beesha caalamka ee C6+, iyagoona ka wada-hadlay dhammeystirka doorashooyinka Golaha Shacabka iyo hirgelinta jadwalka dhaarinta xildhibaannada labada aqal.

29 kursi ayaa ilaa iyo hadda ku dhiman maamul-gobolleedyada Hirshabelle iyo Jubbaland.

Eng. Rooble ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay dhammaystirka kuraasta dhiman, si dib-u-dhac kale uusan ugu iman waqtiga lagu heshiiyey in lagu soo gabo-gabeeyo jadwalka doorashada xildhibaannada.

Wakiillada beesha caalamka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa dhinaca kale ka wada-hadlay xaaladda abaaraha ee dalka iyo sidii ay kaalintooda uga qaadan lahaayeen gurmadka loo fidinayo dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo 14-kii bishan khubad ka jeediyey shir ku saabsan xaaladaha abaaraha ka jira dalka oo uu la yeeshay wakiillada beesha caalamka, ayaa ku booriyay in deg deg loogu soo gurmado shacabka Soomaaliyeed ee abaartu hayso.

Isagoona ku adkeeyay wakiillada in dib-u-dhac kasta oo ku yimaad gurmadka uu shacabka u baahan yahay, uu sababayo dhimashada dad badan oo maanta la badbaadin karo.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]