7/7/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 21, 2022
Madaxweyne Lafta-Gareen: Gudiga SEIT ee Koonfur-Galbeed waxaa uu ka madax-banaanaa musuq-maasuq

Isniin, Maarso, 21, 2022 (HOL) - Madaxweynaha maamulka Koonfur-Galbeed Cabdi Casiis Lafta-Gareen oo xalay khudbad ka jeediyay munaasabad lagu abaal-marinayey Gudiga Hirgelinta Doorashooyinka Koonfur-Galbeed ee (SEIT), ayaa sheegay in guddiga uu ahaa midka keliya ee ka madax-banaanaa musuq-maasuq, isla markaana Soomaalidda oo dhan ay ku sheekeysato sida uu u gutay waajibaadkiisa.

“Guddiga doorashada Koonfur-Galbeed waa midka keliya ee ka madax-banaanaan musuq-maasuq iyo laaluush, guddiga hal marna wax musuq-maasuq ah kuma sameynin qof wax raadinayay oo wax helay, ama qof wax waayay, oo si kasta haku raadiyee, keliya waxaa uu ku ekaa waajibaadkiisa”, ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa intaasi ku daray in Soomaalidda oo dhan ay ku sheekeystaan in guddiga uu yahay mid gutay waajibaadkiisa, haddii musuq uu jiri lahaana ay soo sheegi lahaayeen kuwii la doortay ama wax waayay.

Dhammaan guddiyada doorashooyinka ee heer dowlad-gobolleed ee Koonfur-Galbeed, ayuu uga mahadceliyay waqtigii ay geliyeen dhammeystirka doorashada 77-da kursi ee taallay deegaannada maamulka.

“Koonfur-Galbeed waxaa ay heysataa 77 xildhibaan, waxaan rabnaa in wax-tarka tiradaasi iyo awoodooda ay ka muuqato Koonfur-Galbeed”, ayuu yiri isagoona xildhibaannada uga digay in la kala qeybiyo, kana shaqeeyaan midnimadooda.

Koonfur-Galbeed ayaa aheyd maamulkii ugu horreeyay ee doorashada kusoo gabo-gabeeyo 15-ka bishan Maarso oo aheyd mudadii loo cayimay, waxaana ku xigay maamulka Galmudug oo saacado kaddib dhameeyay doorashada.

Hassan Istiila, Hiiraan Online
[email protected]